Quantcast
Channel: HALBEEG NEWS » literature
Viewing all 14 articles
Browse latest View live

Israel: Somaliland Waxay U Baahantahay Olole Siyaasadeed Haddii Ay Nala Soo Xidhiidhana Waanu La Qabanayna

$
0
0

Televiv (Halbeegnews)– Iyadoo aan akhristayaal idiinku ballan-qaadnay inaanu usoo bandhigi doono barnaamijyo iyo weliba Warar si toos ah aanu u baadhnay isla markaana Weriyayaasha Halbeegnews oo ah khubaro muddo dheer ku soo jiray mihnadda saxaafadda ayaa waxaa maanta noo suurtagal noqotay inaanu la xidhiidhno Muwaadin reer Somaliland ah oo degen dalka boqortooyada Ingiriiska oo dhawaan safar uu ku tagay dalka Israel kulano la yeeshay Madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Israel.

Haddaba Weraysigani ayaa wuxuu Ku sheegay Axmed Iid in isaga iyo Xaaskiisa oo ah Gabadh si weyn looga yaqaano dalka Israel socdaal ay dhawaan ku tageen kulano ay la yeesheen madaxda ugu saraysa Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel loogu ballanqaaday in ay Israel wax weyn kala qaban doonto arrimaha aqoonsi raadiska Somaliland waa haddiiba ay Xukuumadda Somaliland arrintaasi kala soo xidhiidho Israel, Haddaba Weraysigaasi oo dhinacyo badan taabanaya isla markaana xiiso badan leh oo aanu idiin hayno goo dhaw naga fisha

Halbeegnews London Office


Shacabka Somaliland Ee Ku Dhaqan Caasimadda Hargeysa Iyo Gobolada Dalka Oo U Diyaar Garoobaya Dabaal Degga Xuska 20 Guuradda La Soo Noqoshada Madaxbanaanida Somaliland 18 May

$
0
0

Hargeysa (Halbeegnews)– Guud ahaanba Caasimadda qaybaheeda kala duwan iyo gaar ahaan ciidanka Qallabka sida ee Somaliland ayaa waxay ku jiraan diyaar garawgii ugu danbeeyey iyagoo dhammaanba shacabka Somaliland meel kasta oo ay adduunyada daafaheeda ka joogaan gudo iyo dibadba ay isku diyaarinayaan xuska sannad guuradda 20-aad ee maalintii Somaliland madax banaanideeda dib ugala soo noqotay Midawgii Madooba ee ay la gashay Soomaaliya sannadkii 1960-kii.

Ciidamadda qarranka cutubyo ka tirsan oo lagu wado inay socod gaado ah ku maraan xarunta barxadda Beerta Xorriyadda ee Caasimadda Hargeysa halkaasi oo Madaxda qarranka oo uu horkacaayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ay imanayaan subaxa arbacadda ayaa waxaa ciidanka ka dhex muuqda diyaar garawgii ugu danbeeyey iyadoo Xarunta Taliska guud ee Ciidanka Qarranka Somaliland ay ilaa todobadii maalmood ee ugu danbeeyey ku guda jireen diyaar garawga iyadoo qaybo ka mid ah ciidanka Dhulka ee Somaliland ay samaynayeen diyaar garaw gaato ka cayaar ah.

Callanka Somaliland ayaa qiimahiisu cirka isku shareeray guud ahaanba gobolada dalka iyadoo gaar ahaana Caasimadda Hargeysa uu maraayey xabbadii callanka ahaydba 10.00 dollarka maraykanka ah, meelaha qaarkoodna waaba lagu kala tagay oo cidhiidhi ayaa lagu helaayey, guud ahaanba Beerta Xorriyadda ee Caasimadda Hargeysa ayaa waxaa ka socda diyaar garaw baaxadleh iyadoo maanta la geeyey qallabka cod baahiyayaasha gebi ahaanba waxaa caasimadda waddooyinkeeda lagu xidhay laydhadh kala jaad jaad ah.

Magaalada London iyo Fursadda Ay 18 May Ku Soo Hagaagtay

Dhinaca dibadda Magaalada London ayaa waxaa ku soo qulqulaya boqolaal reer Somaliland ah oo maalinta berri doonaya inay ka hor banaanbaxaan xarunta Baarlamaanka ee dalka Ingiriiska, Fursadda ugu weyn ee ay maalinta 18 May ku soo hagaagtay ayaa ah maalinta uu Ra’isal wasaaraha Ingiriiska iyo Hogaamiyaha Mucaaridku ay ka doodaan guriga Baarlamaanka oo ah maalin walba oo Arbaca ah (Prime Minister’s Question Time) taasi mac-naheedu waxay tahay marka ay dadka reer Somaliland ka hor banaanbaxayaan Baarlamaanka hortiisa, gudaha Baarlamaanka waxaa ku sugan badiba siyaasiyiinta dalka ingiriiska oo uu ku jiro Ra’isal wasaaraha, Hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaridka, Wasiiradda iyo dhammaan xubnaha Baarlamaanka.

Wallow ay jirto cabsi kooban oo maalintii shallay badhtamaha magaalada London ay kooxo argagixiso ah oo ka soo jeeda Ireland ay ku henjabeen inay qarxinayaan London oo Booliisku muddo kooban London xidhay haddana ma jirto wax ka hor istaagi kara kumanaanka reer Somaliland inay maalinta Berri iskugu soo baxaan badhtamaha magaalada London iyagoo si xishmad leh uga codsanaya Great Britain oo ah maxmiyaddii 100 sannadood ka hor dhulkooda joogtay inay hormood u noqdaan aqoonsi caalami ah oo ay ka hellaan.

Halbeegnews, Hargeysa, London

halbeegnet@gmail.com

Hawraarta Halbeegnews: Faysal Cali Waraabe Waa Halgama, Geesi, Daacadnimada Somaliland Meel Dheer Ka Taagan

$
0
0

Hargeysa (Halbeegnews)– Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Waa Geesi, Halgama, ilaahay ku manaystay daacadnimo iyo Qarran jecayl inbadan oo xilal ummadda u haysa aanay lahayn, Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu naftiisii, hugiisii, hoygiisii,ooridiisii iyo Caruurtiisii ka door biday inuu qaranimada Somaliland  mid dheer iyo ku gaabanba u koro.

9 sannadood ee ugu danbeeyey ee Somaliland ku naaloonaysay nidaamka dimuqraadiyadeed Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu Qaranimada iyo juhdiga Somaliland darteed u maray meel aanay u marin caada qaatayaal badan oo xilal ku cumaadan, kuwaasi oo badankood lagu keenay is xanbaar isla markaana usoo shilin doontay danyarta reer Somaliland.

Eng. Faysal Cali Waraabe waa nin quluubtiisa iyo niyadiisuba ay ku dheehantahay Somaliland, waa nin haddii uu maanta Somaliland hogaan u noqon lahaa ay hubaal ahayd inaanu ka door bideen in afar qoyskiisa ahi Madaxtooyada qarranka ka hawl gallaan, waa nin Qabiil hore uga koray una koray Qaranimo iyo dad jeceyl.

Akhriste u fiirso Nimanka doonaya inay xisbiga UCID Hogaan ka noqdaan waa qaar hore u fashilmay oo xilalkii umadnimo kuwooda gaar ahaaneed ka door biday, C/raxmaan Ciro ummaddu waxay dooratay isagoo 65 Kg miisaankiisu yahay maantana 100 Kg ayuu kor u dhaafaya, wuxuu todoba sannadood ku dhawaad ahaa ninka seddexaad ee ugu awood badan qarranka wuxuu hayey xilkii golaha sharci dejinta oo ah hawsha ugu miisaan culus qarranka Somaliland wuxuu hawshiisii ka door biday inuu todobadii sannadood ee uu xilka hayey Yurub iyo waqooyiga amerika wareego.

Xisbiga UCID ka weyn wax xil fadhiid loogu doono, waxaana hubaal ah in koox xilkii ummadda  Khasaare ku  ahi aanay xisbiga UCID ka dhigan sidii Xisbiga KULMIYE ee noqday Tareen intii Garadag ku shirtay ay madaxtooyada dalaq tidhi.

Halbeegnews waxay cod dheer ugu gudbinaysa Saxaafadda Somaliland in ay ilaaliyaan sharafta iyo karaamada xisbiga UCID isla markaana aanay ayidin baaqii ka soo baxay kooxdii faashilka ahayd ee u badheedhay burburka xisbiga UCID, Ogow Suxufi Burburka UCID wuxuu ka dhiganyahay burburka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaa ugu danbayntii ayaan darro ah Madaxweynaha qolka Madaxtooyada ku qulufan ee xilkiisii halmaamay, Madaxweynaha xilkiisu waxay ahayd ilaalinta Qaranimada, Jiritaanka iyo Dimuqraadiyadda somaliland wuxuu doorkiisu ahaa in dhibaatadani oo kale uu xal gurmad ah ka gallo oo uu dhex dhexaadiyo balse Madaxweyne Siilaanyo wuxuu u muuqda nin dhoosha danbe ka qoslaya

Halbeegnews, Hargeysa

halbeegnet@gmail.com

How Dahab Shiil club undermined Somaliland’s march to independence – Commentary

$
0
0

Just less than 30 years ago, Ahmed Mohamoud Siilaanyo, the incumbent president of Somaliland, and the founder of Dahab Shiil, Mohamed Saed were watching each other’s back and had been shoulder to shoulder with each other. They met in the early 80s while the President was in exile and Saed worked in a kiosk called Dhiig Shiil (which loosely translates to blood-smith or exploiter) in Diri Dawa, Ethiopia. As the chairman of the Somali National Movement (SNM), Siilaanyo had received funds from Issaaq sympathizers in the Gulf region and deposited the savings in the Dahab Shiil kiosk which sells cigars and foodstuffs. The chairman’s embezzlements were said to be injected to the kiosk as start-up capital to become a global giant. Though ill-gotten gains are said to never prosper, the embezzlements continued. In the later years, it was so hard to distinguish SNM Funds from that of the Dahab Shiil kiosk. Similarly, Berbera Port’s revenues and the company’s are one. Nonetheless, the clandestine activities that began years ago continue to this day.

Siilaanyo took money for himself and generously gave other Issaaqs’ money to his partner, not only as a loan, but also to possess it! Thus, the company dramatically expanded with embezzlements, kickbacks, and war-profiteering techniques. On the other hand, Dahab Shiil donated millions of dollars to Kulmiye’s election campaign – three times as much as that of Riyaales’ government, which borrowed the huge taxes from major businessmen including Al Jaberi and Saudi investors to keep the campaign alive. Without the tireless, unlimited financing of the company, it was certain that Siilanyo would meet utter failure; worse than his first fiasco in the previous election. But he lobbied ethically and convinced his tribe to hold grand conventions comprising the three major elements of Habusha, half of Issaaqs in terms of lineage.  He proceeded to tell his kinsmen at the convention that any defeat would not be his alone but theirs also, which shocked the enlightened participants. “If I fail, the whole clan has collectively failed!” he uttered.

Just as the demagogue gave the clan’s blind supporters great momentum to push his hidden agenda through, apart from the Gar-adag Convention which played a part as well, the ultimate reward of his embezzlement and re-financing the company put him to power. He scratched others’ backs to get his own back scratched. That was an open secret. That was the story of the “insiders.” That was the story of the people, and that was my story too.

The firm’s paradoxical, fatal role in the government

Dahab Shiil’s impact on the country’s wider policies goes far beyond the logic. It openly nominates ministers, Hirsi Gaab, Saed Shire for instance, and fires ministers who refuse to implement its vested interests. Engineer Hashi, for example, is a law-abiding citizen, who refused to make tax exemptions and offer “leniency.” He was ultimately fired, which is the fate of everyone who ignores the company’s demands.  Both these ministers, Hirsi and Shire, were un-heard of, never mind seen on the political stage – they were originally ordinary clerks in the company doing mundane tasks.

In Wikileaks, Abdirashiid, the managing director said Ambassador Awil and the former Central Bank governor viewed the Dahab Shiil Company as a threat to their authority. In other words, he realized they found out his business malpractices, including violating the country’s core values: dream to recognition and the well-being of the people.

The behavior of the company is both contradictory and detrimental to Somaliland’s existence as an independent state. The company had accelerated a set of measures to dismantle the whole project: the building of blood banks for Puntland enemy forces during warfare in Sool’s liberation. The donation of half million dollars to Abdilahi Yusuf Yay’s weak government was perfectly anti-Somaliland and inexcusable. However, the company’s participation in national days such as 18 May Day or Maalinta Sheekh Isahaaq is largely symbolic! How hypocritical it is! But people have opened their eyes to it.

Many ministers and officials in the government are very much indebted to the company, despite the individuals who were planted in the system. Erro, the Speaker of Parliament, has became instrumental in Siilaanyo’s doomed conspiracies. His party, Wadani or National, is exactly the opposite; the party is more yes-party than the ruling party of Kulmiye. There is no effective opposition party in the entire country today! The donors see that, the people see that. There is no independent judiciary, no lively parliament, and no active opposition parties as well. Dahab Shiil Co. bought off the faith of all. The noisiest of all, Faysal Ali Warabe, has kept silent as he swims in oceans of bribery as well as empty promises. He became the mouthpiece of the regime (kacaanka). Even Riyaale finally fell to the trap. What a pity! The conman has begun a manhunt for all decent voices to silence all.

Political Maneuvering and the rhetoric

The recent talks between the presidents of Somaliland and Somalia have revealed a lot. The agenda of the conference war is absolutely irrelevant. The two sides discussed shallow matters regarding Somaliland’s future. Neither side mentioned Somaliland’s political fate in the future nor did Somaliland’s president explain his demands, the progress achieved through the talks, and what concessions he made. Instead, he focused on piracy and terror and Sheikh Sharif, the outgoing president of Somalia. That was insulting to Somalilanders. Nevertheless, Dahab Shiil once again succeeded his ambassador, Hirsi Gaab, to be physically present in the dialogue in Dubai to safeguard the company’s strategic interest. The company wanted a huge market and secession was not the interest of the firm. After all, Hirsi succeeded to lead the delegation in a different way.

Many analysts say the “illicit” affair of Siilanyo and the firm is a “Survival Bridge” and it is strategically “indispensable.” It is hard to imagine Siilaanyo as president without the crucial support of the company and vice versa. That is a raw fact. The clannish fans of the party whom I met here and there confirmed to me that “nothing would happen without the vital funding of the company” and I agreed with them.

Business-cum-politics firms

As soon as the president was sworn in, Dahab Shiil affiliates – Somtel, Hawala, foodstuffs importers and exporters, internet providers, and many others – aggressively launched their inaugurations to coincide with the president’s. All of these conglomerates are entitled to tax exemptions and have the licenses to bulldoze anything they want from wildlife to subcontracting airports and seaports. However, they are flourishing now, as predicted by the president. These groups of companies have at their disposal the highest authorities: government power, huge finances without certified sources and can remove any multi-national company that comes its way, repress poor masses, and bribe major decent voices calling check and balance in the power.

More liability than asset

The Presidency has been mostly occupied by either veteran statesmen and women or highly educated men and women or both, but now that is not the case. Former livestock middlemen with knives and clubs and men with vested interests are packed here. “I could not imagine being a minister as I never met one in my life…but when I joined the system, I was told I can easily fake it,” he affirmed. “Nothing can happen here without my endorsement and signature!” Two-thirds of the ministers are amateurs and have never been public servants in their lives. Having no memory of achievements whatsoever in their lives, they are pleased to be mere ministers and are indifferent to the country’s fate. Shoeshine boys are even thinking of one day becoming ministers, without having to go to school. Anyone can be a president provided that you have the expertise and the qualification for the top job in the nation.

Humiliation of the people’s intellect

When asked if he knew the subject of the ongoing talks, Vice president Saylici answered, “I am unaware of the contents of the talks, be they for unity or not!” Somalilanders are in agreement over how silly it was to hear the VP saying such things in a televised interview upon his return from Europe.

Such as disarray is an aftermath of lengthy calculation, it is a perfect scenario that was developed to embrace the new era as the talks are for unification. Will any of us want to meet Morgan, the brutal culprit in Las Anod roads or Las Qoray? Will any of us want the cancer, from which he recovered, to return? That is the case now.

Shiekh Sharif of Somalia apologized to Somaliland for the tragedy that happened to them during the dark days in crowds of elders in Mogadishu, hinting at a possible return to unity. In any event, a cocktail of issues are intermingled, but Somaliland’s overriding issue is that full independence has gone missing in the heart of the communiqué of all conferences from London to Istanbul to Dubai. Why? It is quite mystery.

The company’s interests is taking over the nations are ruining the country’s dreams of independence and nationhood, which is not easy to get. Over the past two years, the president entwined business with power politics to please his former right hand man, Dahab Shiil. However, if the President and his cohorts including the green foreign minister, whose main duty seems to become a private assistant to the President in every conference where he appears on local TV arranging paper work for the President, continue to take part in the future Somali conference, the international advocacy for our independence will automatically decline.

Furthermore, the President’s meeting with Xaglatoosiye, a ring leader of militia, casted a doubt over the fate of the nation. Why this at time? Why not meet before? And what has changed Xaglatoosiye’s mind? But the President Siilaanyo has reformed himself over the years; his strong faith in Somaliland has been diluted by certain forces or faded away. Siilaanyo is no longer the man we knew. Those radical changes in his rigid principles took no notice of us. Silent creeping reforms are underway.

Although the combination of power politics and businesses are a threat to any country in the world, particularly to ours, the demoting of the parliament to yoke of Dahab Shiil still continues. Both the President and Dahab Shiil-installed ministers are in one direction, that is, to unify Somalia, to gain better position and larger market respectively.  Dr. Sifir, former Deputy Prime Minister, is now leading a low profiled life and working behind the scenes to accelerate the process, thanks to Dahab Shiil’s privileged club. But the question now is: will the people take to the streets in Hargaysa, Buroa, Erigavo, and Borame to foil the conspiracy or will they be pleased with mere Somaliland flag paintings on a few public places by Dahab Shiil Co. paying lip-service to them? Changes do not happen on their own – they need a vehicle to happen.  Are you ready to be that vehicle?

{Dirye is Somaliland Activist and Volunteer. He can be reached at: mrdirye@gmail.com}

Haatufka Maanta

$
0
0

Xukuumada iyo golaha Wakiilada iyaga hore ayaa loo ogaa inaanay xoriyatul qawlka dan ka lahayn balse waxa layaab leh xukuumadahan reer Galbeedka gaar ahaan kuwa UK iyo USA ee hay’adahooda sirdoonku ay soo abaabuleen xeerka hay’ada sirdoonka Somaliland ee tirtiraya intii yarayd ee laga haystay xoriyada saxaafada.

Shaw nimankan reer galbeedka dimuqraadiyad iyo xoriyatul qawlkaba waxa kala weyn oo ay ka fuudh yeelaan sidii ay basaasiintoodu ay xog ugu soo ururin lahayd. Hadaba sirdoonka reer Galbeedka haday caawimadooda iyo talo bixintooduba ay sidan dalka u baabiinayso adeer ha iska haystaan wax tarkan waxyeelada ah ee ay lacagtooda ku burburinayaan xuquuqdii iyo xoriyaadkii uu mushtamaca Somaliland halganka dheer u soo maray xaqiijintooda.

Xukuumadan xeerka sirdoonka kala socotaana heli mayso dal aan saxaafad xor ahi ka shaqayne, hadaba shisheeyaha basaasiin ha u noqdaan.

Job advertisement: GOLLIS UNIVERSITY; Position: Human Resources Director

$
0
0

                                     GOLLIS UNIVERSITY:

  Job advertisement

Institution: Gollis University

Location: Hargeisa

Position: Human Resources Director

Due Date: Nov 29, 2012

 Requirement:

  1. The applicant must have Master’s Degree, Bachelor’s degree in Business Administration, Human Resource Management, or closely related field.
  2. The applicant must have/has Six years professional experience in Human Resources, preferably in higher education, and five years supervisory experience including the supervision of professional staff.
  3. The applicant must be able to write and speak English fluently.
  4. The applicant must be able to work hard under pressure and meet deadlines.

Job Description:

The incumbent of this position is required to perform the following functions:

 

  1. Experience in building human resources or similar functions into strategic units in large and complex organizations

 

  1. Ability to establish and maintain standards of performance

 

 

  1. Knowledge of all Human Resources functions including employment practices, employment and workplace laws, compensation, benefits, 4.  Employee relations, policy development, payroll, and performance appraisal.

    5.  Knowledge of performance management, quality improvement, change management, strategic planning, organization assessment, and leadership.

    6.  A results- and goal-oriented focus, with the stability, persistence, and patience necessary to work effectively with a variety of internal and external constituents.

    7.   Demonstrated commitment to providing customer service, energetic and innovative personality, excellent human relations and communication skills, sensitivity to respond appropriately to the needs of faculty and staff.

    8.   Demonstrated analytical aptitude, problem-solving skills, and excellent judgment.

    9.  Knowledge of Somaliland labour law would be desirable.

    10.  SHRM is a plus and highly desirable.

    11.  The ability to speak and write fluently in English.

 

Interesting applicants must submit their CVs with all copies of documents to Gollis University in 7 days beginning of announcement date which is Nov 22, 2012. Or before noon 12:00PM, Nov 29, 2011

 

 

HAMBALYO DHALASHO FARXADLEH

$
0
0

Maamulka, Macalimiinta iyo dhamaan Hawlwadeenada Jaamacadda Gollis oo uu ugu horeeyey Dr. Saeed Ahmed Hassan, Muse Ahmed Duale, Dr. Hussein Yasin Ismail, Eng. Ivon Jokson, Eng. A/Rahman M. Muhed, Nimcan Abdi Ali, Sacdiya Maxamed Daud, Ahmed-Yasin Mohamoud, Omar Hussein Abdi, Luul Khalif Handule, Ahmed Jambir Suldaan, Eng. Mohamoud M. Essa, Mustapha A/Rahman Ismail, Aidarous Mohamed Abib, Abdirisaq Khalif Aw Dahir (Guray), Abdi Abdilahi, mohamoud ismail ali, Saed Ahmed Abi, Fosiya Hassan A/lahi, Guleid  Hassan Dirir, Nasriin Ahmed Mahamoud. Dhamaan dadkaas, Maamulka, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo hawlwadeenada Jaamacadda Gollis waxay Hambalyo Dhalasho Farxadleh u dirayaan Maxamed Xuseen Cabdi iyo Xaaskiisa oo Wiil ugu dhashay Maalintii Jimcihii Magaaladda Hargeysa, isla markaana loo bixiyey Xuseen Maxamed Xuseen ayaa waxay dhamaan dadkaasi leeyihii Ilaahay ha ka dhigo Xuseen yare kii dalkiisa, diintiisa iyo Waalidkiiba Anfaca Aamiin Aamiin Aamiin.

TACSI: Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI Eng. Axmed Cali Ubaxle

$
0
0

Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga WADDANI, Wasiirkii Hore ee

Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Axmed Cali Ubaxle ayaa Tacsi

tiiranyo le h u diraya dawladda iyo shacabka reer Jabuuti  iyo  Guud

ahaanba dhamaan umaddaha reer Jibouti iyo reer Somaliland Geerida Naxdinta lahayd ee ku

timid Guddoomiyihii  Baanka dhexe  Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Jaamac

Maxamoud Xeyd oo shalay Jimcahii  ku geeriyooday dalka Kenya, waxaanu

Ilaahey uga baryaynaa in uu isagana Janatul Fadowsa ka warabiyo,

dhamaanteena samir iyo iimaana naga wada siiyo. AAAMIIIN

SANYO DIGITAL CAMERA


Xawaaladda JUBA Express Oo Munaasibad La Isku Arkay Ugu Wan-qashay Xarunteeda Dhexe Ee Hargeysa Iyo Nuxurka Qudbadihii Madashaas Laga Jeediyey:DAAWO SAWIRADA

$
0
0

Hargaysa, February 18, 2013 (Halbeegnews) – Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayey xafiiska dhexe ee shirkada xawaalada lacagaha Jubba Express ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Xafladaasi ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed, maamulka iyo masuuliyiinta ssare ee shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba express, siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, xildhibaano ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida, salaadiin, cuqaal, madaxdhaqameed, ganacsato, haween, dhalinyaro iyo dad wayne kale oo aad u tiro badan.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed oo hadal ka jeediyay xafladaasi loo sameeyay furitaanka xarunta dhexe ee shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba Express ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyiinta shirkada Jubba Exprees horumarka iyo maalgashiga cusub ee ay masuuliyiinta shirkadani ku soo kordhiyeen dalka, waxaanu sheegay in loo baahan yahay cid kasta oo dalka wax ku soo kordhisa in loo mahad naqo laguna hambalyeeyo.

Waxaanu yidhi “marka u horaysa aan hambalyeeyo una mahad naqo soona dhaweeyo una duceeyo madaxda iyo mulkiileyaasha shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba Express aad iyo aad ayaanan ugu mahad naqayaa horumarka iyo maalgashiga ay sameeyeen ee ay dalka ku soo kordhiyeen, runtii waxaan qabaa qof kasta oo wax wanaagsan keena in abaal gudkiisu yahay in loo mahad naqo, qofku haddii uu horumar sameeyo wuxuu isna mudan yahay oo uu jecel yahay in la garab is-taago oo la dhiiri geliyo oo lagu hambalyeeyo waxa uu qabtay”.

Md C/rasaaq Khaliif waxa uu sheegay oo kale in mar kasta oo ay soo kordhaan shirkadaha kala duwan eek a shaqeeya adeegyada arrimaha bulshada in ay taasi soo kordhiso tartanka iyo tayada shirkadaha isla markaana shirkada Jubba ee ay soo kordhinayso adeegyada ay bulshada u fidiyaan “markasta oo ay soo kordhaan shirkadaha noocan ah ee adeega ka shaqeeya ama uu tartanku soo kordho waxay soo kordhisaa tayada oo korodha, xawaaladan soo korodhay ee Jubba Express waxay qayb ka noqonaysaa in ay dhiiri geliso in adeegii iyo adeegyadii hufnaa iyo tayadii ay shirkaduhu bixinayeen ay sii kordhaan, iyaduna ay ku dadaasho sidii ay ku gaadhi lahayd kuwii ka horeeyay, waa horumar soo kordhay waxyaalo badan ayayna soo kordhinaysaa oo waad ahqaale dalka ku soo kordhay, dhaqaalahaa soo kordhayna shaqo abuur ayuu samaynayaa, dakhli ayuuna samaynayaa, waxa uu ka qayb qaadanayaa horumarka iyo samafalka” ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

Guddoomiyaha shirkadda xawaalada lacagaha ee Jubba express Md C/salaam Xasan Giir oo isna hadalk ka jeediyay xaflada lagu furayay xarunat dhexe ee shirkada Jubba ayaa ka waramay u jeedada ay u sameeyeen xafladan iyo sidoo kale mudadii ay shirkada Jubba Express shaqaynaysay iyo meelihii ay ka bilawday shaqada tayada, waxaanu yidhi “maadaama shirkadu in muddo ah ka shaqaynaysay Somaliland waxaanu munaasibadan u qabanay in aanu war bixin kooban ka bixino shirkadan, meelaha ay ka shaqayso si shacabka reer Somaliland ay wax uga ogaadaan, adeegyada arrimaha bulshada ku waajahan ee ay shirkadani samayso, xidhiidhka ay la leedahay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyos idoo kale aaaragtida shirkada iyo waxyaabaha ay hiigsanayso mustaqbalka”.

C/salaam Xasan Giir waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay wakhtigii la aas aasay shirkada Jubba Express iyo sidoo kale meelihii u horeeyay ee ay shaqada ka bilawday.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirkada Jubba express waxaa la aas aasay oo ay shaqadeedii u horaysay bilawday sanadkii 2010-kii, waxaanay ka bilawday magaalada Jubba ee koonfurta Suudaan, halkaasi oo au muddo ka shaqaynaysay, iyada oo markii danbena ku fiday wadamada afrika iyo carabtaba, shirkadan jubba express waxa waxay liisan keedii u horeeyay ee ganacsiga ka qaadatay dalka Somaliland sanadkii 2010-kii halkaasi oo ay laba xafiis ka furatay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, hase yeeshee xafiisyadaasi may sii shaqaynin, shirkadu waxay xafiisyadeeda ku balaadhisay daafaha aduunka oo dhan aakhirkii sanadkii 2010-kii, waxaanay mar labaad xafiisyadeedii u horeeyay ka furatay Somaliland sanadkii 2011-kii bishii shanaad, iyada oo kii u horeeyayna aanu ka furnay magaalada Hargaysa, kii labaadna burco, anaga oo markii danbena dhamaanba magaalooyinka iyo tuulooyinka kale ee dalka oo dhan aanu ka furnay xarumo iyo xafiisyo”.

Guddoomiyaha shirkada xawaalda lacagaha ee Jubba Express waxa kale oo uu ka waramay meelihii ay waxyaabaha tabarucaadka ah kaga qayb qaadatay shirkadu iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay mustaqbalka wax ka qabtaan.

“Saddex bilood ka hor waxaanu tagnay xarunta agoomaha ee Hargaysa oo caawinay, dhakhtarka Hargaysa ayaanu isna tagnay ajandahayaga ayaanay ku jirtaa in aanu wax ka qabano oo aanu caawino, wadada Wajaale iyadna waxaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano waanan balan qaadnay, waxyaabaha noo qorshaysan in aanu wax ka qabano wax aka mid ah arrimaha dhalin yarada gaar ahaana ciyaaraha waxaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano, wadooyinka magaalooyinka dalkana in aanu ka qayb qaadano, aragtidayada soo socota waxaanu doonaynaa in aanu kordhino adeegyada lac dirida iyo in aanu furno baanan, in aanu wax ka qabano wadanka ayaanu ku talo jirnaa ee uma joogno oo keliya in aanu ka shaqaysano”.ayuu yidhi Md Giir.

Halbeegnews/Hargeysa Office.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

“Wasiirka Madaxtooyadda Waxaan Leeyahay Booskii Aanu Dadkaas Ugu Jirnay Adigaa U Fadhiya Maanta’e Arinta Deegaanka Qararo Hadii Aanad Degdeg Wax Uga Qaban Waxay Noqonaysaa Waxaad Adiga Laftigaagu Raali Ka Tahay”Wasiirkii Warshadaha Ee Xukuumadii Rayaale Eng Ubaxle

$
0
0

Hargeysa, October 9, 2013 (Halbeegnews) – Wasiirkii Wasaaradda Warshadaha ee Xukuumadii Rayaale isla markaana ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Eng Axmed Cali Ubaxle ayaa ka hadlay Shaqaaqo shalay ka dhacday deegaanka Qararo ee gobolka Saraar, kaas oo dagaal ku dhexmaray laba beelood oo ka tirsan beesha bariga Burco, kaas oo sheegay in khasaaraha ka dhashay uu inta la ogyahay yahay dimashada hal qof iyo dhaawaca Askari bilays ah.

Eng Ubaxle waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Xalay Khadka Telefoonka ugu waramayey Shabakadda Caalamiga ah ee Halbeegnews, kaas oo uu sidoo kale Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan ugu baaqay inuu talaabo degdeg ah ka qaado, isla markaana xusay inuu Wasiir Xirsi labada beelood ee dagaalku ku dhexmaray deegaanka Qararo uu ugu jiro Booskii uu isagu ugu jiray Cahdigii uu Wasiirka Warshadaha ka ahaa xukuumadii Rayaale. Ugu horayna isaga oo arintaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Run ahaantii aad ayaan uga xumahay Dagaalkaas deegaanka Qararo ku dhexmaray labada beelood ee Walaalaha ah, mida kale Caawa ilaa maanta waanu la soconay arintaas  oo waxanina waa arin mudo soo jiitamayey oo Caawa waxa igu soo kordhay oo la helay nin Mayd ah ninkaasina uu ka soo jeedo Beesha Suulo-Madow isla markaana ninkaas dilkiisa dhinaca kale ayaa sheegtay inay Saaka dileen oo ay qorigiisiina qaateen. Sidoo kale taas waxa soo raaca weerarkii lagu soo qaaday Ciidanka Bilayska ee lagu dhaawacay Askariga oo ka mid ah Ciidankii Nabada u socday ee kala dhexgalay labaddaas Beelood ee dirirtu dhexmartay”.

Eng Ubaxle isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Ilaahay Shaqaaqadaas ha inaga qaboojiyo oo intii ku  dhimatayna ha u naxariisto intii dhaawacan tayna ha caafiyo ee waxaan jeclahay inaan si gaar ah u taabto Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi oo aan leeyahay Booskii aanu dadka ugu jirnay ama Kursigii aanu u fadhinay adigaa maanta u fadhiya oo arintaas hadii aanad degdeg wax uga qabana waxay noqonaysaa wax aad adiga laftigaagu raali ka tahay. Waxaan jeclahay in arintaas talaabo degdeg ah laga qaado dadkaas walaalaha ah ee wada degan Nabadayntooda laga shaqeeyo oo deegaan loo kala guuraa horena umay dhicin imikana dhici maysee arinta mihiimadeeda ha la siiyo”.

Eng Axmed Cali Ubaxle mar aanu wax ka waydiinay sababta Dagaalkaasi ka dhaxay waxa uu ka ogyahay, waxa uu yidhi “Sida wararku sheegayaan meesha Qararo la yidhaahdo anigu odhan maayo deegaankaas reer baa lahaa oo waa dad walaalo ah oo ma fiicna inay deegaanka kala sheegtaan laakiin xaqiiqatan waa sheeko cusub oo Madi ah, balse waxa nagu maqaalo ah in beeshan uu ninku ka dhintay ee Soolo-madow lagu yidhi meesha ka guura oo arintaasi mudo socotay oo dad badani u kaceen sidii arintaas wax looga qaban lahaa oo mudo dheer ayaanu ka shaqaynaynay in arintaasi wax laga qabto oo dadkaas walaalaha ah la isku soo dhaweeyo. Mida kale waxaan ku amaanayaa Guddoomiyaha Gobolka Saraar oo xil wayn iska saaray Nabadgalyada deegaanka iyo isku soo dhawaynta beelahaas walaalaha ahba, mida kale maantaba waxa deegaankaas u soo baxay Wafti ka socda gobolka Saraar si ay dhexgalaan labadaas beelood ee walaalaha ah ee wada dega deegaankaas, anaguna arintaasi ayaanu taageersanahay oo aanu dhiirigalinaynaa”.

 

 

 

 Eng Ubaxle

Wasiirka Maaliyadda oo Digreeto ku dhaqan geliyey Miisaaniyadda 2014-ka iyo qaabka ay u shaqayn doonto

$
0
0

Hargeysa(Halbeegnews) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale ayaa soo saaray Digreeto uu ku dhaqan gelinayo Miisaaniyadda 2014-ka isagoo ku soo lifaaqay qaabka ay u shaqayn doonto Miisaaniyaddaasi.

Qoraal rasmi ah oo uu Wasiir Samaale ku socodsiiyey dhamaan Hay’addaha Dawladda ee ay khusayso Miisaaniyadu oo Nuqul ka mid ah Halbeegnews heshay waxa ay u dhignayd sidan:-

samaale

Ujeeddo Dhaqan Gallinta Miisaniyada Qaranka ee 2014.

Anagoo Fullinayna Go’aanka Ansixinta Miisaniyadda 2014 ee golaha wakiiladda, LR.GW/WAK/04/147/2013. Ee 24/11/2013 iyo Xeer madaxweyne JSL/M/XERM/249/2172/112013 ee 24/11/2013 iyo xeer madaxweyne Lr.0369/112013 ee 24/11/2013 oo lagu baahiyey dhaqan galka Miisaniyada Sanadka  2014.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa nidaamkii iyo tilmaamihii lagu dhaqmi lahaa miisaniyada sanadka 2014 oo ka kooban dakhli iyo kharashba.

1.Dhakhliga.

Dhammaan wasaaradaha dawlada dhexe iyo hay’adaha dawliga ah ee u xilsaaran dakhli ururinta  waxa lagu adkaynayaa  in ay u hawlgalaan qiyaasta dakhli ee laga rabbo inay soo xareeyaan eek u tilmaaman  shaxda deegamaynta  halkan ku lifaaqan idinkoo raacaya shuruucda tacriifadaha iyo hab xisaabeedka dawlada, kuwaasi oo wareegtooyin gaar ah la idiinku soo gudbiyey.

Wax kale oo xusid mudan in madaxda sarre ee Hay’adaha dakhli ururintu iska saaraan xil dabagalka, soo xareynta iyo ogaanshaha heerka dakhliga (kor u kaca iyo hoos u dhacaba) Sida ku cad qodobka Lr.22 ee xeerka kastamada badeecad kasta oo kootarabaan lagu qabto waxa lagu macaamili doonaa sidan:-

  • Marka hore wax lagu ganaaxi doonaa saddex jibaar cashuurta ku waajibtay oo loo geeyey cashuurta dhabta ah.
  • marka labaad 6 jibaar cashuurta ku waajibtay oo loo geeyey cashuurta dhabta ah, iyo maxkamada oo loo gudbiyo.

2. Kharashka:-

Kharashka Miisaniyada sanadka  2014 waxa uu ku salaysnaan doonaa, hadba inta uu yahay dakhliga ina soo galla taasoo la idinku wargalin doono wareegto hadba xaaladu siday tahay saddexdii billoodba hal mar.

Iyada oo lagga duulayo qaabkaasi ah isku dheelitirka Dakhliga, Kharashka  iyo cashuuraha Maaliyadeed, waxa la raaci doonaa qodobadan hoos ku qoran:.

A: Kharashyada la hakiyey illaa bisha Julay:

  • Kharashka Dhismayaasha
  • Kharashka Iibinta Hantida raagta.
  • Kharashka Mashaariicda ku jirta.

B. waxa reeban in la galo kharash dheeraad ah (Over Expenditure) oo ka baxsan Miisaniyadda, sida ku cad xeer nidaamiyaha xisaabaadka dawlada Qodobkiisa 17aad Xubintiisa 1aad.

C. Waa in Isticmaalka kharashyada aan lagu koobin Magaalo madaxda oo kali ah   ee lagu fidiyo, laguna baahiyo dhammaan xafiisyada Gobolada, Degmooyinka Dalka, iyada oo la raacayo habka waaranadda si loo  af-jaro Cabashooyinka ka yimaada gobolada iyo degmooyinka.

D. in awooda kharashka (Warrant) ay gaadhaan dhammaan gobolada iyo degmooyinka, saddex billood walba bisha u horeysa, una soo diraan xisaab celinta xaruntooda maamul saddex billood walba.

E. sida ku cad qodobka 54 aad ee xeer nidaamiyaha xisaabaadka, waa in wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladdu saddex billoodkiiba hal mar u soo gudbiyaan xisaab celintantooda  guud wasaarada maaliyadda gaar ahaan waaxda miisaniyadda iyo xisaabaadka guud, isla markaana aan loo sii deyn doonin waaranka kharashaadka Saddex billoodka ka danbeeya ciddii keeni wayda.

F. Biilasha Taagan ee ka soo hadhay sanadkii hore ee 2013, waxa loo bixin doonaa qaabka ay ku baxaan kharashyada miisaniyadu.

G. cid kasta oo lacag gacan ku hayn ah qaadata (Imprest) waa in ay ku soo xarayso khasnada dawlada inta ka horeysa 31 December waxaana laydin xasuusinayaa in ciddii hore loogu lahaa lacagta Impres-ka ah aan loo ogolaan doonin mid danbe illaa inta ay ka soo xareeynayaan kii hore, xisaabiyaha guudna waxa laga codsanayaa in uu waaxda miisaniyadda u soo gudbiyo Liiska Wasaradaha iyo hay’adaha ee aan illaa hadda soo xareyn Imprest-kii ay qaateen.

H. Agaasimaha waaxda miisaniyada, xisaabiyaha guud ee dawlada iyo hantidhawrka guud waxa lagu wargalinayaa in waaranada kharashka ee soo gaadha hawshooda ka gutaan muddo ku siman saddex cisho guddahood oo ka billaabanta maalinta loo soo gudbiyo, Dabagalka hawlaha la xidhiidha waxa ka masuul ah cida waaranka kharashka leh.

3. Kala wareejinta Miisaniyadda (Budjet Variation).

Sidda uu qeexaayo Qodobada 16 aad xarafkiisa 3aad ee xeerka maamulka Maaliyadda iyo xisaabaadka, wixii kala wareejin ah madax xigayaashu waxay ka bilaabi doonaan 1 July illaa November, waxaana awood kala wareejinta leh wasiirka wasaaradda maaliyadda sida uu tilmaamayo qodobka 6aad xarafkiisa B ee xeer nidaamiyaha xisaabaadka dawlada, waxaana ka reeban in kharashka shaqaalaha iyo hantida raagta wax laga wareejiyo.

Fulinta Siyaasada 2014. Sida ku cad go’aanka golaha wakiilada ee kor ku xusan waxa lagu ansixiyey lifaaqa siyaasada miisaaniyadda 2014, waxaanan halkan idinku soo gudbinayaa qodobada ugu muhiimsan ee u baahan in aynu si wadda jir ah u fulino waana siddan. In wixii hay’adaha caalamiga ahi ku caawiyaan hay’adaha dawlada heshiisyadooda loo soo gudbiyo wasarada maaliyadda iyo wasaarada qorshaynta qaranka sidoo kalena xisaab celintooda lix billood kasta loo gudbiyo wasarada maaliyadda.

Akhriso Heestii Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo Qoraal Ah Waa Haamo Dhawr

$
0
0

Haamo-dhowr

 

Subaxnimadii 19/9/2012ka, Hargeysa

sawiro boobe

Halgankeennii dheeraa,

Hirdankii gumeysiga,

Lallabii hujuunkiyo,

nacabkaan halgaadniyo

Habqankii qaxeenniyo,

Huri-waagi keymaha,

Libin baan horseednoo,

Guul baan ku hanannee,

 

Habka nabadda loo xidho,

Iyo hidinta wada-hadal,

Hiirtaanyo-reebkii,

Heshiisiinti beelaha,

Hanti la isu celiyiyo,

Habayntii axsaabtiyo,

Dimuqraaddi hurintii,

Hannaankaagii fiicnaa,

 

Ka-hulleel ma daw baa,

U-hilowga meel kale,

Hammuun dooji mooyiye,

Hammadaad ku lumisaa,

Hanka wuu garoocmaa,

Himiladu hallowdaa,

Hoog baana kuu xiga,

Iyo habaqle aan damin,

 

Alooskii hayaankiyo,

Haamo-dhowrki geeddiga,

Iyo horumarkaagii,

Hay’ado-samayntii,

Iyo heykal qarannimo,

Habka loo agaasimo,

Tusmayntaadi hilimmada,

Xaq-u-hiilintaadii,

 

Hugun-raaca yeelkii,

Danaystaa hadaaqii,

Hunguraa dad eedaye,

Daan-la-roortu waa hebed,

Ma-huraan dalkeenniyo,

Dadku wuu hadhaayaa,

Adna hoga-tusaalaha,

Hiyigaaga kaashoo,

 

Dhex-taal

 

Geeskoo holcaayoo,

Ka hayaantay nabaddii,

Hormayntii is-kaashiga,

Dadku isu hiloobeen,

Kalgacaylka hidiyeen,

Hab-yagleelka nololeed,

Hindisahaad ku curisee,

Hal-abuurka ka ahayd,

 

Hiyigii dadweynaha,

Higsigoodi nololeed,

Xorriyaddii ay haybsheen,

Horumarintiyo yagleeshii,

Hoggaankii ay doorteen,

Hilimmadi ay jeexdeen,

Hore ugu dhaqaaqeen,

Hungo laguma sheegee,

 

Dhex-taal

 

 

Saddex Qof Ayaa Ku Dhintay Todobana Way Ku Dhaawacmeen Shil Baabuur Oo Saaka Ka Dhacay Duleedka Magaalada Laascanood

$
0
0

images

Sabti 17 May 2014 Laas-caanod(HalbeegNews)–Saddex qof ayaa ku geeriyooday, Todoba  kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaadhi  ay saaranaayen  uu kula rogmaday Boolaha Xargagan oo 08-km dhinaca waqooyi kaga Beegan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gaadhigan  oo ahaa nooca loo yaqaan Toyoto NOAH ayaa ka yimid Hargeysa oo ah xarunta Somaliland ka hor intaanu fiidkii ku Rogmanin  duleedka magaalada Laascaanood, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa la dhigay Cisbitaalka magaalada Laascaanood.
Cali Maxamed Ismaaciil oo meel aan ka fogeyn marayay waqtigii shilku dhacayay ayaa sheegay inuu mar keliya arkay boodh  ka booday meel aan ka fogeyn boholaha xargagga, kaddib muddo yar dabadeed waxaan arkay gaadhi  baaba’ay iyo dad sidoo kale iyana wax nool iyo wax dhintay aan la kala garaneyn, muddo ayayna nagu qaadatay inaan wax kala saarno.

Dr. C/kariin Aadan Warsame ayaa Warbaahinta  u sheegay in dadka dhaawaca ah ay saddex ka mid ah oo uu ku jiro darawalkii gaadhiga  ay xaaladdodu liidato loona qaaday dhinaca magaalada Garoowe.

Illaa hadda lama garanayo sababta dhabta ah ee keenay shilkan, waxaana ciidanka nabad-gelyada waddooyinku ay sheegeen inay wadaan sidii ay ku ogaan lahaayeen sababta gaadhigu  ku rogmaday.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca duleedka magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool sannadihii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, waxaa Cisbitaalka magaalada Laascaanood lasoo Gaadhsiiyay nin la sheegay inuu ku dhacay ceel ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood, waxayna ciidanka boolisiku sheegeen inay baadhitaan  wadaan isla markaana ay raadinayaan sababta dhacdadani iyo Qofkani Waxaa uu yahay.

HalbeegNews
Hargaysa/Office

Fiidyawga Godane

$
0
0

 

Hoos Guji Si Aad U Daawato Video-ga Maydka Godane Oo PENTAGON Soo Bandhigay

 

Viewing all 14 articles
Browse latest View live